Sacuudi-RisaalaFM- Wasaaradda Arrimaha Dibadda boqortooyada Sacuudi Carabi ayaa cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ururka Al-shabaab ay ku qaadeen maqaayada Pizza House oo ku taalla degmada Hodan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa muujiyay sida ay boqortooyada Sacuudi Carabi uga xuntahay weerarkaasi, waxyna tacsi u direen qoysaskii dadkooda ay ku dhinteen weerarkaasi, iyaga oo sidoo kale Alle uga baryay in caafimaad deg deg ah uu siiyo dadkii kale ee dhaawacmay.
Dhanka kale waxa ay sheegeen masuuliyiintan ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda in Sacuudiga uu garab taagan yahay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sacuudiga wuxuu kaloo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga hortagaan weerarada Shabaab ay la beegsadaan xarunaha Dowladda iyo goobaha kale.
Ugu dambeyntii Sacudiga ayaa wuxuu Al-shabaab ku eedeeyay in ay Qaraxyo Ismiidaamin ah la beegsadaan goobaha ay isugu yimaadaan dadka shacabka ah ee aanan waxba galbsan.
Weerarkii Shabaab habeen ka hor ay ku qaadeen Maqaaxida Pizza House oo ka soo horjeeda Maqaaxida kale ee lagu magacaabo Posh Treats ayaa waxaa ku geeryooday 18 Qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 19 kale, sida ay sheegeen laamaha ammaanka Dwoaladda Federaalka.



