Ryan Giggs oo sii joogaya Man Utd

Ryan Giggs ayaa lagu soo waramayaa in  loo sheegay inuu dooran karo shaqo kasta oo uu doonayo inuu qabto haddii uusan rabin inuu noqdo caawiyaha Jose Mourinho ee Manchester United.

Xiddiga reer Wales ayaa lala xiriirinayay inuu ka dhaqaaqo kooxda ka dib markii la ceyriyay Louis van Gaal bishii hore.

Waxa uu la shaqeynayay oo uu u ahaa macalinka ku xigeen ninkii Holland ee lagu bedelay macalinka reer Portugal, laakiin Mourinho ayaa ay ku warameysaa Daily Mail inuu magcaaban doono macalin ku xigeenkiisii hore Rui Faria si uu kala shaqeeyo Old Trafford.

United ayaa la sheegay in ay aad ugu baahan tahay Giggs oo mustaqbalkiisa ciyareed oo dhan kooxda kusoo qaatay.

Halyeeyga United ayaa kooxda 29 sano joogay, laakiin waxaa ay la yaabeen maamulka inuu kaga dhaqaaqo kooxda sabab la xiriirta Jose Mourinho,

Haddii uu sii joogo garoonka Old Trafford 42-sano jirkaan waxaa loo dhiibayaa shaqooyin kale,laakiin haddii uusan dooneyn lama shaqeyn doono Jose Mourinho.