Baay-RisaalaFM- Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay howlgallo ka wadaan deegaano hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Baay.
Waxaana degmada Bardaale deegaano ka tirsan dhowaan laga saaray ururka Al-shabaab oo in mudo ah halkaasi ku sugnaa.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Bardaale ee gobolka Baay Cali Cadow Isaaq oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgalada ay ka wadaan deegaanada hoostaga degmada Bardaale.
Gudoomiyaha ku xigeenka ayaa sioo kale sheegay in howlgalada ay daba socdaan wacyi gelin loo sameynayo bulshada ku nool degmada Bardaale.
Waxaana uu maamulka degmada ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada Gaarka ah ee Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM si looga guuleysto Al-shabaab.


