ugu yaraan 6 ruux ayaa ku geeriyootey oo isugu jirta caruur iyo waayeel roobab xoogan oo ka da’ay magaalad Dila ee gobolka Awdal.
Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleemaan ayaa xaqiijiyay dhimashada dadkan.
Daadad ka dhashay roobab da’ayay xalay gelinkii dambe ayaa waxa ay jabiyeen baliyo ku yaalla dhanka sare ee magaalada Dila.
Waxaana ay waxyeelo ugeysteen goobo ganacsi iyo meelo kale oo bulshada aad ugu muhiimsan.
Gobolka Awdal ayaa waxa uu ka mid ahaa meelaha ay ka jiraan abaaro saameeyay dad aad ufara badan.
Maamulka Awdal ayaa bishii hore ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhinaca abaaraha ah, kadib markii ay 4 qof ay abaaro ugu dhinteen deegaano ka tirsan gobolka Awdal.


