DHAGEYSO: Maamulka Khaatuma oo xiriirka ujaray dowladda Soomaaliya

Axmed Xaaji Cali oo ah wasiirka warfaafinta maamulka Khaatumo  oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in maamulka Khaatumo uu go’aansaday in gabi ahaanba xiriirka uu u jaro dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in go’aankan uu yahay mid ay wada gaareen dhamaan mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo.