Macallinkii hore ee kooxaha Manchester City iyo Inter, Roberto Mancini ayaa loo magacaabay xilka Tababarenimo ee kooxda Zenit St Petersburg ee waddanka Ruushka maalmo yar kaddib markii kooxdaasi ka kaaftoontay layliyahoodii hore ee Mircea Lucescu.
Mancini oo shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tegay kooxda Inter ayaa waxaa uu noqonayaa tababarihii labaad ee Talyaani ah ee kooxdan ruushka ah hoggaankeeda qabto marka laga reebo Luciano Spalletti oo naadigan ku hoggaamiyay laba Horyaalka Ruushka ah.
Roberto Mancini oo 52 sano jir ah waxa uu Zenit u saxiixay heshiis 3 sanadood ah iyadoo haddii loo riyaaqana loo siyaadin doono qandaraas kale oo 2 sanadood ah.
Kooxda Zenit ayaa xilli ciyaareedkan ku dhameysatay kaalinta 3′ ee kala sarreynta kooxaha Horyaalka Ruushka, iyadoo weysay ka qayb galka Koobka Horyaallada Yurub, waxaana ay ciyaari doontaa laba wareeg oo isreeb-reebka Koobka Europa League ah dhammaadka bisha July ee soo socota.
Mancini waxa uu saddex Horyaalka Talyaaniga ah, halka Horyaalka Ingiriiskana uu la qaaday kooxda Manchester City.



