Ra’iisul Wasaaraha Sudan oo qorsheynaya inuu xilka iska casilo

Ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa u sheegay koox siyaasiyiin qaran ah iyo aqoonyahanno inuu doonayo inuu xilka iska casilo saacadaha soo socda, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen laba ilo wareed oo ku dhow Hamdok Talaadadii.

Hamdok ayaa dib loo soo celiyay 21-kii hore ee Novemer ka dib afgambi bil ka hor ahaa oo ay ciidamadu kula wareegeen talada, iyaga oo ay soo afjaray heshiis iskaashi oo ku meel gaar ah oo ay la lahaayeen xisbiyada siyaasadda.

Sabtidii, boqollaal kun oo qof ayaa socod ku maray aqalka madaxtooyada, iyagoo diiday xukunka militariga iyo go’aankii Hamdok ee ahaa inuu soo laabto, taasoo uu sheegay inuu u qaatay si uu u ilaaliyo guulihii la gaaray xilligii kala guurka iyo joojinta dhiigga daadanaya.

Ilaa 47 qof ayaa ku dhintay mudaharaadyo looga soo horjeedo xukunka militariga, oo ay ku jiraan labo ka mid ah oo ku dhintay mudaharaadkii Sabtidii.

Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii sheegtay inay heleen warbixino ku saabsan kufsi wadareed loo geystay 13 haween iyo gabdho ah.

Ilo wareedyo ku dhow Hamdok ayaa horey u sheegay in uu xilka sii heyn doono oo kaliya hadii uu helo taageero siyaasadeed iyo hadii heshiiska ay galeen rayidka iyo militariga la fuliyo.