Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Dharkiinley qof shacab oo ka mid ahaa dadka kunool degmadaasi.
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Salaad Maxamed Sabriye, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Ceeldheer, wax yar uun ka dib, markii uu Salaaddii Cishaha ahayd ku soo tukaday Masaajidka Al Khaliil.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta iska baxsaday waxaana halkaas soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ,waxayna bilaabeen howlgal lagu baadi goobaayo kooxihii ka dambeyey dilka xalay loo geystay mid ka mid ah dadka kunool degmada Dharkiinleey ee gobolka Banaadir.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Risaala u sheegay in shaqsiga lagu dilay degmada uu ka mid ahaa shaqaalaha Baarlamaanka Soomaliya.
Maamulka degmada Dharkiinley ayaa weli ka hadlin dilka xalay ka dhacay degmada Dharkiinley ee gobolka Banaadir.