Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay shacabka kunool deegaanada maamulka Koofur Galbeed in ay AMISOM ku taageeraan dagaalka lagu la jiro ururka Shabaab .
Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shabaab laga ciribtiro deegaanada maamulka Koofur Galbeed.
Shariif ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay dagaal culus kula jiraan ururka Shabaab sidaa darteedna shacabka koofur Galbeed looga baahanyahay in garab istaagaan.
Dhawaan maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in deegaanada maamulka Koofur Galbeed Shabaab looga saarayo maalmo kooban.


