Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan dalka Kenya

Madexweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in uu gaaro caasimada dalka Kenya ee Nairobi .

Ujeedada safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii madaxda dowladda Kenya uu ugala hadli lahaa arimaha qaxootiga Soomaaliyeed  ku sugan xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.

Kenya waxa ay go’aan cad ku qaadatay  inay albaabada u laabayso Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya oo muddo 25-sano ah ay deegaansanayeen Dad Somaliyed oo colaada dalkooda ka taagan ka cararay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in uu madaxda dowladda Kenya uu kala hadli doono arimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.