QM “268 ayaa geeriyootay”

Qarmada Midoobay ayaa waxa ay ka hadashay Abaarta daran ee ka jirta Soomaaliya, taasi oo ay u geeriyoonayaan dadka iyo duunyada ee ku nool Gobolada dalka.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in ka badan 11,000 oo Qof in shuban biyood iyo Daacuun ay la ildaran yihiin, loona baahan yahay in dhexda loo xirto sidii dadkaasi loo badbaadin lahaa.

Sidoo kale Stephane Dujarric ayaa sheegay tan iyo bishii Janaayo in Abaarta darteed ay u geeriyoodeen 268 Qof, kuwaasi oo xoolohooda ay galaafatay Abaarta.

Waxa uu sheegay Dowladda Federaalka oo taageero ka heleysa ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) in ay wado ololaha Talaalka, kaasi oo lagu beegsanaayo in ka badan 450,000 oo Qof oo halis ku jirta.

“Qarmada Midoobay iyo Howlwadeenadeeda waxa ay leeyihiin Istiraatiijiyad lagu badbaadinayo dadka Abaarta ay saameysay, si taasi loogu dadaalo waa in Beesha Caalamka laga helaa taageero dheeraad ah” Ayuu yiri Stephane Dujarric.

Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay oo 7-dii March soo booqday Soomaaliya ayaa sheegay 6.2 Milyan oo Qof in ay saameysay Abaarta, ayna u baahan yihiin gar gaar deg deg ah.