Khuburrada ka tirsan laanta Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa walaac ka muujiyay dagaallada ka soo cusboonaaday dalka Suudaanta Koonfureed oo horseeday in kumannaan qof inay guryahooda ka qaxaan.
Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ku sugan Suudaanta Koonfureed waxay sheegeen in dabley hubeysan ay weerar ku qaadayaan tuulooyinka isla markaasna ay guryaha dab qabadsiinayaan.
Waxay sidoo kale dableyda ay tacaddiyo u geysteen haweenka halkaasi ku nool.
Qaramada Midoobey waxay sidoo kale sheegtay inay sare u kaceen tirada haweenka ee kufsiga loo geystay.
Waxay dowladda iyo dhinacyada isku hayo South Sudan ka codsatay inay qaddariyaan heshiiskii ay gaareen sanadkii lasoo dhaafay.



