Qarax ka dhacay degmada Warta-Nabadda

Qarax Miino ayaa maanta ka dhacay Agagaarka Saldhigga degmada Wartanabadda ee Magaalada Muqdisho.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Qaraxa ayaa la doonaayay in la la eegto ciidamada ka tirsan dowladda oo saarnaa gaari, waxaana la sheegay in Miinadda ay qaraxday markii u dhaafay gaariga ay saarnaayeen ciidamada.

Goob Qashin uu yaallay ayaa lagu Aasay Miinadda oo wadada dhinaceeda ah sida ay xaqiijiyeen dadka kunool Warta nabadda.

Qaraxa ayaa waxaa ka badbaaday Taliyaha ciidanka Booliska degmada Dayniile.

Ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay.