Dukaamada kooxda Manchester United Oo Dalbaday Inay Daabacaan Maaliyada Alexis Sanchez

Express Sport ayaa fahamsan in Manchester United ay ku guuleysatay tartanka loogu jiro saxiixa Alexis Sanchez oo 40 milyan oo ginni ugu biiraya, iyadoo Henrikh Mkhitaryan ka tagayo kooxda.

Kooxda Man Utd ayaa weydiisatay dukaamada lagu iibiyo qalabkooda in ay daabacaan maaliyada Alexis Sanchez ee kooxda Manchester United

Shaqaalaha kooxda ayaa markii ugu horeysay dalbaday in lasoo daabaco maaliyad United ee uu dhabarka kaga qoran yahay magaca Alexis.

Laakiin Kaaliyaha qeybta suuq geynta kooxda Manchester United ayaa yiri: “Ma daabici karno maaliyada cusub ee Sanchez illaa iyo inta heshiis rasmi ah lagu dhawaaqayo.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu intaa ku daray: “Ilaa iyo inta si rasmi ah loo shaacinayo heshiiska in aysan sameyn doonin daabacaad.

Laakiin Express Sport ayaa fahamsan inay haatan xiddiga Gunners uu ku wajahan yahay Old Trafford ilaa saacadaha soo aadan ee caawa.

Dhanka kale, Arsenal ayaa diyaar u ah in ay lasoo wareegto xiddiga Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang kaasoo loo arko bedelka saxda ah ee Sanchez.

Waxaa la fahamsan yahay in Gunners ay wadahadal la gashay madaxda Dortmund, iyadoo kulasoo waregeysa weeraryahanka Gabon heshiis 60 milyan oo ginni ah.