Ilaha ammaanka dalka Turkiga ayaa sheegay in dad badan ay ku dhaawameen qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay gobolka Bari turkiga ku yaal ee Mardin gaar ahaan xarunta ciidanka Booliska.
Maalin ka hor ayaa weerar xoogan waxa uu ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaana ku dhintay 11 qof oo shacab ah tiro intaas ka badan way ku dhaawacmeen.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa lagu arkaayey Ambalaas aad u farabadan oo yaacaysa hareeraha wadooyinka goobtu uu qaraxu ka dhacay.
Wakaalada wararka dalka Turkiga ayaa sheegtay in uu weerarkaas ahaa mid argagixiso,waxaana wakaalada laga soo xigtaya in ay ka dambeeyeen kooxda Kurdiyiinta ah PKK.
Qaraxa oo lagu dhuftay meel ay ku badan yihiin ciidanka Booliiska dalka Turkiga ayaa la shaacin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay laakiin wakaalada Turkiga ayaa laga soo xigtay in ay jiraan khasaaro u badan dhaawac.


