Kenya oo ka hadashay hoos u dhac ku yimid goobaha dalxiiska

Waaxda dalxiiska dalka Kenya ayaa sheegtay in ay kasoo kabsan la’dahay waxyeelada kasoo gaartay weeraro Shabaab ay ku qaadan meelo ku dhow goobaha dalxiiska ee dalka Kenya.

Wasaarada dalxiiska dalka Kenya ayaa sheegtay in dhaqaalihii Kenya kasoo galin jiray dalxiiska uu hoose u dhacay ,madam dalalka caalamka ay Kenya ugu digeen muwaadiniintooda in aysan u safrin goobaha dalxiiska ee  dalka Kenya.

Waaxda dalxiiska Kenya ayaa warbaahinta u sheegtay in ay adkeyn doonaan Ammaanka dalxiisayaasha ku sugan dalka Kenya  oo inta  badan  ka soo jeeda dowladda Shiinaha.

Sarkaal ka tirsan waaxda dalxiiska ee dalka Kenya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in weli ay dalxiisayaasha ay qaban cabsi ku aadan weeraro ka yimaada ururka Shabaab.

Dalxiiska oo ah waaxda  labaad ee ugu weyn wadanka  Kenya ayna dhaqaalo badan ka soo galaan Kenya, waxaa la sheegay   25% uu hoos u dhacay kadib markii qeybo ka mid ah Dalkaasi ay ka dhaceen Weeraro ay sheegteen Al Shabaab.

23 bishaan April ayey aheyd markii dowladda kenya ay walaac ka muujisay ammaanka goobaha  dalxiiska  ee dalka Kenya.