Daawo Ra’iisul wasaaraha oo qaybgalay Munaasabad lagu xusaayay Dhalashada Boqorada Uk

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa  wuxuu kaga qaybgalay Munaasabad lagu xusaayay Dhalashadii Boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II.

Munaasabadan ayaa lagu qabtay Xarunta Safaarada dowladda Ingariiska  ee Magaalada Muqdisho oo ku taal Xarunta Xalane, waxaana lagu casuumay madax uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha.

Safiirka Dowladda UK u fadhisa Soomaaliya Harriet Mathews, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay ka soo qaybgalka Madaxda Somalida Xaflada lagu xusaayo Dhalashada Boqorada dalka UK.

0 12 11 9 8 7 6 5 4 3 2 1