Tartamo Quraan akhris ah oo maanta ka furmay xarunta idaacadda Risaala

Waxaa maanta xarunta Dhexe ee idaacadda Risaala ka furmay tartamada quraan akhriska oo ay  sanad walba qabato idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha guud Risaala Maxamed Cabdiwahaab Cabdullaahi ayaa maanta si rasmi u daahfuray tartamada quraanka oo ay qabaneyso idaacadda Risala ee magaalada Muqdisho.

Tartamada quraanka oo ay sanadkaan qabanayso idaacadda Risaala ayaa waxaa ku tartamaya gabadha oo ku tartamaya 30 ka jus ee quraanka kariimka iyo qeyb kale oo ay ku tartamayaan wiilashada waana qeybta 15 jus ee hoose quraanka Kariim ah ,sidoo kalena waxaa jirta qeyb kale oo ay ku tartamayaan caruurta 7 sano jira ah  waxay ku tartamayaan 1 jus ee quraanka ugu hooseeya ama jus camo.

Idacaadda Risaala ayaa ah idaacada kaliya ee ku taala Muqdisho taasoo qabata tartamo quraan akhris oo  ay baaxadoodo intaas le egtahay.

Tartanka Quraanka gabdhaha waxaa maal gelinaya Waberi Jumbo C. W.G , halka tartanka guud ee Quraanka uu maal gelinaayo Salaam Somali Bank. sidoo kale tartanka Caruurta waxaa maal gelinaaya Isbitaalka Ibnu Qayim Aljowzi.

Idaacadda Risaala sanad waliba bisha Ramadaan waxay qabataa tartamada Quraanka Kariimka oo lagu dheeri gelinaayo dadka xaafidul Quraankaa.

5 4 3 2 1