SAWIRO:-Qaar kamid ah Goobaha Ganacsiga Magaalada Jowhar oo xiran

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan inay Maanta xiran yihiin inta badan Goobaha Gamacsiga Magaalada.

Tallaabadaan ayay Ganacsatada qaadeen, sida la sheegay kadib markii  maamulka degmada Jowhar uu ku amray ganacsatada inay bixiyaan lacago la sheegay in lagu xirayo goobaha uu ka Fatahay Wabiga Shabeelle ee Magaalada Jowhar iyo tuulooyinka hoostaga.

Qaar kamid ah Ganacsatada ayaa waxaa ay sheegeen lagu amray in ay bixiyaan lacag u dhaxeeysa  20 kun ilaa iyo boqol kun oo dollar, ia markaana aysan awooein bixintaas sidaasina ay Shaqa joojinta ku sameeyeen una xireen Goobahooda Ganacsiga.

Sidoo kale waxaa ay sheegay in iyaga ay dalbadeen inay bixiyaan qeyb kamid ah lacagaha laga rabo balse Maamulka ay diideen, sidoo kalena Ciidamada Ammaanka ay saaka ka joojiyeen dibadbax cabasho ah oo ay dhigi lahaayeen.

Gaadiidleyda ka howlgalla Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa horay Shaqa joojin u sameeyay, iyaga oo ka cabanayay lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay.