Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Garacad oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka maamulka Puntland ay halkaasi maanta ku soo bandhigeen maxaabiis tiradooda lagu sheegay 46 ruux oo ka tirsan ururka Al-shabaab.
Maxaabiistaan Puntland waxa ay sheegtay in lagu qabtay dagaaladii ka dhacay nawaaxiga deegaanka Garacad oo ka tirsan gobolka Mudug.
Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab ayaa sheegay in maxaabiistaan aan wax dhibaato ah loo geysan oo ciidanka Puntland ay gacant ku hayeen.
Waxaana uu sheegay in qorshaha uu yahay in loo gudbin doono magaalada Garoowe halkaas oo sharciga lagu marsiin doono sida uu sheegay.
Puntland ayaa horay waxa ay u soo bandhigtay maxaabiis ka badan 30 ruux oo maxaabiis ah oo lagu soo qabtay dagaalkii ka dhacay Garcad.


