DHAGEYSO: Culimada Soomaaliyeed oo kulan ka yeeshay xaaladaha abaareed ee dalka ka jira

Culimada Soomaaliya ayaa maanta maanta waxa ay bayaan ka soo saareen xaalada dalka ka jirta ee ay ka mid tahay abaaraha kahortaga fikirada qaldan ee xagjirnimada, fikirka shiicada, iyo in culimada Soomaaliya laga qeyb galiyo kulamada wadatashiga dowladda Soomaaliya ay qabaneyso.

Gudoomiyaha Majmaca culimada Soomaaliya Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in culimada ay ka soo horjeedaan fikirka xagjirnimada.

Waxaana dhanka kale uu sheegay in hada dalka ay ka jirto abaar aad ubaahsan taas oo uu gundhig uga dhigay in shacabka Soomaaliyeed ay towbat keenaan.

Bayaanka ay soo saareen kulankan culimadu muqdisho ku yeesheen ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay agaasimaha Machadka Irshaad.

Dhowaanahan waxa ay hay’ada majmaca culimada Soomaaliyeed ay waday dadaalo ay ku dooneyso in gar gaar la gaarsiiyo dadka ku nool gobolada dalka ee ay abaaraha Saameeyeen.