Waxaa aad loo hadal hayaa labo ciyartooy oo ka tirsan kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Manchester United oo calanka Falastiin kusoo bandhigay garoonka kooxdaas ee Old Trafford kadib xaley 1-1 ay kusoo idlaatay ciyaar kala dhexeeysay kooxda Fulham.
Paul Pogba iyo Amad Diallo ayaa la arkayay iyago lulaya calanka Falastiin xilli ay ku sugnaayeen garoonka, waxay tageero u muujinayeen Falastiin.
Waxay u muuqdeen in taageerayaasha kooxda ay u dhiibeen calanka Falastiin.
Maamulaha kooxda Manchester Ole Gunnar Solskjaer ayaa difaacay ciyartoydiisa taageerada u muujiyay Falastiin isla markaana sheegay in kooxda ay qaddarineyso fikirka qofka.



