Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar & khasaaro ka dhashay

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa Magaalada Jowhar lagula eegtay Ciidamada Gudodomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Ciidamada oo ka baxay gudaha Magalada Jowhar ayaa gurmad u ahaa Ciidamo kale oo duleedka Magalada kula dagaalamayay Maleeshiyaadka macawiisleyda, waxaana qaraxa lala eegrtay xilli ay marayeen halka loo yaqaano Buur-kaama bareeye ee Magalada Jowhar.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku waremeen in qaraxa ay ku dhinteen askar ka tirsan ilaalada Gudodomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, sidoo kale uu ku dhaawacmay mid kamid ah Saraakiisha ilaalada Guddoomiyaha oo caanka ah Magalada Jowhar.

Askarrta qaraxa ku geeriyootay ayaa waxaa la shegayaa inay gareeyso ilaa Saddex askari kuwo kalena ay dhaawacmeen, waxaana Ciidanka la qarxiyay ay ahaayeen kuwo  lugeynaya cabsi ay ka qabeen Qaraxyo dhulka la geliyay, kuwaasoo midkood haleelay ciidankii lugeynayay.

Qaraxaan ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya, Ciidamada dowladda ee Haramcad, Boolis & ciidanka DANAB oo dhinac ah iyo maleeshiyaad macawiisleey ah oo ka careeysan taliyahooda oo la xiray.