Olivier Giroud Oo Jawaabtii La Sugayay Ka Bixiyey Hadalkii Uu Karim Benzema

Weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa shalay dunida qabsaday, kaddib markii uu naftiisa barbar-dhigay baabuurta dheeraysa ee lagu galo baratanka ee Formula 1, isla markaana uu yasay weeraryahanka ay isku waddanka yihiin ee Olivier Giroud oo uu ku tilmaamay inuu yahay baabuurta yaryar ee lagu ciyaaro.

Isbarbar-dhiggan ayaa noqday hadal-haynta ugu weyn ee ciyaaraha, waxaana dadka oo dhan ay sugayeen jawaabta uu ka bixin doono Olivier Giroud oo ah midka la liiday ee waxba kama jiraanka uu ka dhigay Beznema.

Benzema ayaa xulka qaranka France laga eryey October 2015 markii ay soo baxday fadeexad faraqa lasoo gashay oo ahayd cajalad laga duubay laacibka ay qaranka ku wada jireen ee Mathieu Valbuena, laakiin Giroud oo ka faa’iidaystay maqnaanshaha Benzema ayaa hoggaamiye ka noqday afka hore ee weerarka xulka oo kula guuleystay Koobkii Adduunka ee 2018 lagu qabtay Ruushka.

Karim Benzema oo la weydiiyey farqiga u dhexeeya iyo Olivier Giroud ayaa waxa uu yidhi: “Dadku maaha inay isku qaldaan Formula 1 iyo Karing. Anigu waxaan ahayd Formula 1.”

Inyar kaddib ayaa tafaasiil kale oo uu hadalkaas kasii bixiyey waxa uu Benzema ku yidhi: “Dadka qaar waxay kaliya qaateen arrimaha ku saabsan Giroud iyo Formula 1, Laakiin iyagu ma aysan xasuusan wixii aan ka idhi waxa uu kusoo kordhin karo xulka qaranka France”.