Antoine Griezmann ayaa difaacay Olivier Giroud ka dib markii Karim Benzema uu ku tilmaamay inuu la mid ah gawaarida ay ku ciyaaraan caruurta halka uu isagu la mid yahay gawaarida lagu tartamo ee Formula 1.
Benzema ayaa yasay weeraryahanka Chelsea Giroud isagoo ka soo horjeestay in lala barbardhigo xiddigii hore ee Arsenal.
Markii la weydiiyay inuu sharaxaad ka bixiyo hadalkiisa, Benzema ayaa ku celiyay hadalkiisa isagoo mar kale yasay Giroud.
“Runta ayaan sheegay, waa waxa aan aaminsanahay, waa sida runta ah, waana sida ay tahay” ayuu yiri.
Laakiin weeraryahanka Barcelona Griezmann oo labaduba ka soo garab ciyaaray markii ay isla joogeen xulka qaranka Faransiiska ayaa la saftay Giroud isagoo tilmaamay inuu yahay xiddig ku guuleystay Koob Adduun.
“Jawaab kama bixin karo arintaan haddii kale dhibaato ayaan faraha la galayaa” ayuu yiri Griezmann.



