Madaxweyne Obama oo ay u bilaabantay booqasho uu ku tagay Britain, ayaa ku celiyay inuu taageersanyahay in dalku ka sii mid ahaado Midowga Yurub, codbixinta arrintan loo qaadayo ayaa dhici doonta bisha June ee soo socota.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in ka mid ahaanshaha Ingrisiiska ee Midowga Yurub ay miisaan u yeelayso saamaynta Britain dunida ku leedahay.
Weriye ka tirsan BBC-da oo safarka ku wehliya Obama ayaa sheegaya in isagoo si maldahan wax u dhigi karay, ma ahayn in Obama loo arko inuu faragalin muuqato wado. Haseyeeshee waxa ay arrintani muujinaysaa walaaca qotada dheer ee Washington ka qabto cawaaqibka ka dhalan kara haddii Britain ka baxdo Midowga Yurub.