Nin Soomaali ah oo Maxkamad ku taal dalka Jarmalka lagu soo oogay dacwad ka dhan ah dil uu geystay

Defendant Abdirahman J. from Somalia arrives in a courtroom at the start of his trial after killing three people and injuring eleven others with a knife in June 2021 at Barbarossaplatz in Wuerburg, in Veitshoechheim, Germany, April 22, 2022. Defendant pixalised on court request. REUTERS/Heiko Becker

Nin Soomaali ah ayaa Jimcihii la soo taagay Maxkamad, iyadoo loo haysto saddex qof oo lagu dilay dhowr kalena lagu dhaawacay weerar tooreey ah oo ka dhacay Koonfurta Jarmalka bishii June ee la soo dhaafay.

Ninkaan ayaa  dacwad lagu soo oogay si loo go’aamiyo in uu maskaxda ka xanuunsan yahay iyo in kale, waxaana maxkamadda ay doonaysaa in ay ogaato  xaaladdiisa caafimaad.

Baarayaasha ayaa rumeysan in ninkan uu maskaxda ka bukanaa markii uu weerarku ka dhacayay magaalada Wuerzburg, sidaas darteedna ay maxkamaddu loo baahan yahay in ay caddeyso..

Waxaa lagu eedeeyay dil, isku day dil iyo weerar culus, Qareenka difaacayay, Hans-Jochen Schrepfer, ayaa sheegay in tuhmanuhu uu la ildaran yahay xaalad nafsi ah .

Weerarkaan ayaa ka dhacay goob laga dukaameysto oo ku taal Barbarossaplatz, oo ku taal bartamaha magaalada Bavarian, Juun 25, 2021. Dhibanayaasha ayaa ahaa saddex dumar ah oo da’doodu kala tahay 24, 49 iyo 82.

Afar kale oo haween ah ayaa dhaawacyo halis ah soo gaareen, iyadoo ay la socdaan gabar 11 jir ah oo xilligaasi jirtay iyo wiil 16 jir ah. Saddex qof ayaa qaba dhaawacyo fudud. Eedeysanaha oo ahaa qaxooti ku noolaa Wuerzburg tan iyo 2015-kii, ayaa la xiray ka dib markii laga toogtay bowdada, sida ay booliisku sheegeen.