Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Caawa Isgoyska Shaqaalaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi lagu dilay nin watay Mooto Bajaaj.
Ninka ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen Gaari ay saarnaayeen ciidamo oo marayay wadada Shaqaalaha.
Dad goob joogayaal ah oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ninka watay Mooto Bajaajta isla goobta uu ku naf waayay.
Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen baaritaano ku aadan dilka loo geystay qofka shacabka ah.
Mararka qaar ciidamada dowladda xilliyada ay marayaan wadooyinka Muqdisho ayaa waxa ay ridaan xabado badan si ay wadada umaraan.


