Ciidamo ka tirsan Puntland oo Qarax lagu eegtay Buuraleyda Galgala

Mudug-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Buuraleyda Galgalo ee deegaanada Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland halkaasi Qarax lagula eegtay.

Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 2 ka mida ah ciidamada Puntland halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana Nuuca Qaraxa lagu sheegay in ay aheyd Miino dhulka lagu aasay.

Buuraleyda Galgala ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan maamulka Puntland kuwaas oo halkaasi ilaalo ka hayay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in Meydka 2-da askari ee dhintay iyo dhaawaca 6-da kale la geeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Maamulka Puntland  ayaanan wali ka hadlin qaraxaan Miino ee askartu ku dhimatay kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

War kooban oo ay Al-shabaab ku soo qoreen Baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayay ku sheegteen Mas’uuliyada Qaraxan.