Nin Ergada ka mid ahaa oo xalay la dilay

Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay xalay fiidkii waxaa lagu dilay Nabadoon caan ka ahaa Gobolka Baay, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay xarunta Ku meel gaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed.

Dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay Nabadoonka in lagu dhex dilay Masjid ku yaala xaafada Towfiiq ee Magaalada Baydhabo, kaasi oo lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Madeyr.

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Marxuum Madeyr, iyaga oo dhowr xabadood kaga dhuftay qeybta sare ee jirkiisa.

Saraakiisha laamaha ammaanka magaalada Baydhabo ayaa xaqiijiyay raggii dilka geystay in ay goobta ka baxsadeen, balse Hay’adaha ammaanka ay ku daba jiraan soo qabashadooda.

Ururka Al-Shabaab ayaa horay u sheegay in ay beegsan doonaan cid kasta oo ka qeyb gasha soo xulista xildhibaanadii labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.