Wasiirka arrimaha dibadda New Zealand Gerry Brownlee,ayaa Warbaahinta u sheegay in dowladdiisa ay $5 Milyan oo doollar ay ugu deeqday dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in lacagtaan loogu tala galay in wax looga qabto Abaaraha ka jira Soomaaliya, Suudaanta Koonfuureed , Nigeria iyo Bariga dhexe.
Si gaara ayuu u sheegay Gerry Brownlee in labo Milyan oo doollar loogu tala galay Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dowladda New Zealand ay si deg deg ah ku bixin doonto lacagtaasi,isagoona sheegay in ay garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale dalalka Caalamka ayuu ugu baaqay in ay Soomaaliya ka taageeraan sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha.
Dowladda Soomaaliya ayaa baaq u dirtay dalalka Caalamka si wax looga qabto Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.
Qaramada Midoobey ayaa horay u sheegtay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Kaalmo deg deg ah.



