Nani ayaa ogolaaday inuu ku biiro Inter kana tago kooxda Fenerbahce, sida laga soo xigtay wargeyska Record.
Warbixintu waxay sheegtay in xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal la isku raacay heshiis seddex sanno ah oo ku kacaya € 3.2 million sanadkiiba inuu ku tago Talyaaniga.
lacag ayay isku raaceen labada kooxood, laakiin Inter ayaa dooneysa inay ciyaaryahanka sida ugu dhaqsiyaha badan uu kaga soo dhaqaaqo kooxda Fenerbahce .
Sida hadda muuqata Inter ayaa bixisay qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Nani oo ah €8 million , lakiin Inter ayaa dooneysa in la yareeyo lacagta dambe.
Nani ayaa hal xilli ciyaareed ku qaatay Turkey ka dib markii uu uga soo biiray Manchester United heshiis £ 4.25m ah.


