Ronald KEOMAN ayaa noqday macalinka cusub ee Everton sida goordhaw la xaqiijiyay, macalinkaan ayaa heshiis seddex sanno ah qalinka ugu duugay kooxda ka dhisan Garoonka Goodison Park ka dib markii uu go’aansaday inuu ka dhaqaaqo kooxda Southampton.
Ronald Koeman ayaa loo doortay bedelka macalinkii laga ceyriyay Everton ee Robert Martinez
Toffees ayaa raadinayay tababare cusub ka dib markii ay ceyriyeen Roberto Martinez wax yar ka hor dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Koeman ayaa koray Southampton xili ciyaareed guulo ah ula qaatay, Inkastoo Saints kaalinta lixaad uu fariisiyay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Premier League,


