Macalin Zinedine Zidane ayaa sheegay in kooxda Real Madrid ay diyaar utahay kulanka Clasico ee bisha April dhexmari doona Barca iyo Real.
Los Blancos ayaa guul weyn ka gaartay Sevilla, waxaana ay haatan isku diyaarineysaa kulanka Barcelona inkastoo kulankii koobaad ee Santiago Bernabeu looga badiyay 4-0
Zidane ayaa yiri: “Clasico waa kulan qaas ah, waa inaan horey usii soconaa, diyaar ayaan unahay kulankaan waaxaana uu noqon doonaa mid qaas ah.”
Kooxda Barcelona ayaa talaabooyin yar ujirta iney hanato horyaalka Spain, macalin Zidane ayaase sheegay iney diirada saari doonaan iney kulan walba badiyaan.