DHAGEYSO: Puntland “31 Al-shabaab ah ayaan nolosha ku qabanay”

 

Gen Muxuyadiin Axmed Muuse  oo ka mid ahaa Saraakiisha Hogaamineysay dagaalkii Togga Suuj ayaa waxa uu ka warbixiyay maxaabiis iyo meydad ay ka soo qabteen dagaaladii maalmihii udambeeyay ay la galeen ururka Al-shabaab.

Waxaana uu sheegay in ay gacanta ku hayaan 31 oo nolosha ay ku soo qabteen, oo dhowr nin ay dhaawacyo yihiin.

Gen Muxuyadiin Axmed Muuse  ayaa sheegay inPuntland dagaalka looga dilay 3 askari ilaa 3 kalana dagaalka looga dhaawacay, iasgoo intaa ku daray in howlgalka ay soo gaba gabeeyeen.