Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa Idaacadda Risaala waxa uu uga warbixiyay shir wadatashi ah oo ka furmay galbeed magaalada Beledweyne.
Waxaana uu sheegay shirarkaas in ay yihiin heer beeleed iyo heer gobol.
Waxa uu sheegay in ay yimaadeen odayaasha iyo waxgaradka Shabeelaha Dhexe ay iyaguna diyaar u yihiin in dib loo amba qaado shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.


