Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay  Gudaha dalkaas  ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.

Kooxda ayaa ku weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Zakariye Muxudiin Xeyle  Goob Ganacsi oo ku taalla  degaanka Krainfontain oo ka tirsan Magalada Cape Town ee Wadanka koonfur Afrika, iyaga oo dhowr xabood ku dhuftay,isla markaana isla goobta uu ku geeriyooday.

Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu sheegay in muwaadinka la dilay uu dalkaasi ku noolaa muddo dhowr sano ah,isla markaana raggii burcada ah ee ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen., iyada oo Meydka Muwaadinka Soomaaliyeed Goobta au ka qaadeen qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida oo deris la ahaa Ninka la dilay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkan 2019 waxaa kusoo kordhay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata,waxaana 7 Bishii July ee sanadkaan Gudaha dalka Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadin Soomaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xuseen Cali Saqiir

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dalka Koonfur afrika weli kama hadlin dilalka joogtada ah ee dalkaas loogu geysanayo Soomalida,waxaana soo badanaya walaaca ay qabaan dadka Ganacsi ahaan u tegay dalka Koonfur Afrika.