Mushaarka ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya oo laga hadlaayo

Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in midowga Afrika ay kala hadli doonto dib u dhaca mushaarka ciidanka qeybta ah AMISOM ee ka socda dowladda Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

 

Paddy Ankunda  oo ah afhayeenka ciidanka dowladda Uganda ee qeybta AMISOM ayaa sheegay in dib u dhaca mushaarka ciidankooda uu saameyn ku yeeshay askarta Uganda ee jooga Soomaaliya,islmarkaana muddo afar bilood aysan qaadan wax mushaar ah.

 

Paddy Ankunda  ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Uganda ay wadda hal kala yeelanayso dib u dhaca mushaarka ciidankooda ururka Midowga Afrika iyo sidoo kale saraakiisha lacagaha u qaabilsan ururkaas.

Tirada ciidanka dowladda Uganda ee jooga Soomaaliya ayaa gaaraya 6,000 kun oo askari ,mid kaste oo ka mid ah askartaas ayaa qaata lacag dhan 1,028 dollar , 200 ka mid ah lacagtaas waxaa lagu xisaabiya misaaniyadda dowladda Uganda.