Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM a ayaa la wareegay deegaano iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Sh/Dhexe, halkaas oo ay horay u joogeen ururka Al-shabaab.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay saakay weerar ku qaadeen deegaano ay ka mid yihiin Caligaduud,Runirgood iyo tuulooyin badan oo hoos yimaada gobolka Shabeelaha Dhexe,islamarkaana ay kala wareegeen Al-shabaab.
Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi aynu ka heleeno ayaa sheegaya in ciidamadda AMISOM iyo Kuwa Dowlada ay wadaan baaritaano lagu xaqiijinaayo Amaanka guud ee deegaanada ay laga qabsaday Al-shabaab.
Qaar ka mid ah dadka deegaanada ay la wareegeen ciidanka dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in arkaayeen ciidamada dowladda oo ku haraysan meelaha laga soo galo tuulooyinka qaar.


