Mushaar dhimista ciidanka AMISOM oo laga hadlay

Kulan looga hadlaayey arimaha ciidanka AMISOM oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin mushaar dhimistii lagu sameyey ciidanka midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxdii ka qeyb gashay kulankaas ayaa si weyn uga hadlay mushaar dhimista iyo sidoo kale sameynta soo wajahi kartaa ee ciidanka midowga afrika ee AMISOM.

Ismaaciil Chergui  Madaxa Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika, waxa uu si qoto dheer uga hadlay niyada ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya  waxa  sheegay in mushaar dhimista iyo sidoo kale dhaqaalo la’aanta ciidankaas ay suurtagal tahay in ay sameyn ku yeelato howlgalka ka socda Soomaaliya.

Madaxda kulankaas ka qeyb gashay ayaa amaan u soo jeediyey  golaha ammaanka Qaramada Midoobe oo ay sheegeen in ay u taageeran ciidanka AMISOM si har la’aan ah .

Ciidan gaaraya 22,000 oo Askari kana socda Dalalka Kenya, Ethiopia, Uganda, Djabouti iyo Burundi ayaa Howlgal kawado dalka Somalia tan iyo 2007.

Go’aankii ay Dowladaha Midowga Europe ku jareen 20% Miisaaniyadda lagu taageeri jirey Hawlgalka AMISOM, ayaa waxa u usaamayn ku yeeshay Mushaarkii ay Askarta AMISOM qaadan jireen,