DHAGEYSO: Xeer Ilaaliyaha Qaranka “Dhalinyaro sharci daro ugu xiran caalamka ayaa jirta”

Muqdisho-RisaalaFM- Wadamada caalamka waxaa ku xiran dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u farabadan kuwaas oo qaarkood kala kulma dhibaatooyin kasoo wajaha xabsiyada ay ku xiran yihiin.

Axmed Cali Daahir oo ah  Xeer Ilaaliyha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatooyin ugu badan ee loo heysto dhalinyarada Soomaaliyeed ay tahay falalka burcad badeednimo ,waxa uuna  sheegay in meesha ugu badan oo dhaliyarada burcadbeeda ah lagu dhibaateeya in ay tahay dalka India.

Xeer Ilaaliyha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay jiraan dhalinyarada Soomaaliyeed oo sharci darro ugu xiran dalalka caalamka, iyadoo uu sheegay in dowlada dhexe looga baahanyahay in ay muhiimad siiso sidii dalalka caalamka loogala hadli lahaa in ay siidaayaan Soomaalida uxiran.

Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ku dhibaatoonaya xabsiyadda caalamka, waxaana qaarkood cuduro ay ugu geeryoodeen xabsi ku yaalla dalka India.