Munaasabadda 26-ka June oo laga xusay Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa xalay lagu qabtay Munaasabad 26-ka June oo lagu maamuusayay 57-guuradii ka soo wareegatay markii la taagay Calan Soomaaliyeed oo ku beegan 1960-kii.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi, Wasiiro, Xildhibaanada Labada Gole, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Safiirada qaar ka mid ah dalalka Caalamka ayaa ka qeyb galay Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose.

Intii ay socotay Munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan, waxaa saacada markii ay aheyd 12:00 habeenimo la saaray Calanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa durbadiiba cirka loo riday buller lagu dabaal degayay, taas oo aheyd markii u horeysay muddo 20 sano ka badan oo loo riday dabaal degan ceynkan oo kale ah bulleer.