Farmaajo oo Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Maanta Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynahaa aya marka uu gaaray Taalada Daljirka Dahsoon waxa uu Salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Baanbeyda ee Booliska Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo Xubin ka ah Guddiga qaban qaabada Xafladaha Maalmaha Xuriyadda ayaa sheegay in maalintan ay tahay Maalin qiimo weyn ugu fadhida Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka hadlay muhiimada Xuska 26 Juun iyo sida shacabka looga baahan yahay in ay ugu diyaar garoowaan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan Midnimada.

Waxa uu tilmaamay in Dowladdiisa ay ka shaqeyn doonto hormarinta iyo Nabadeynta Magaalada Muqdisho Afarta sano ee soo socota.

26 Juun 1960 waxay ahayd markii Calan Soomaaliyeed oo xur ah laga taago gayiga Soomaaliya, waxaana hada laga joogaa 57 sano.