Mourinho oo £ 20 million sanadkiiba ka qadan doona Manchester United

Jose Mourinho ayaa noqon doona macalinka ugu mushaarka badan kubadda cagta hadii uu noqdo tababaraha Manchester United isagoo qadan doona £20 milyan sanadkiiba.

Sida ay sheegtay SunSport ayaa daaha ka qaaday, tababaraha reer Portugal inuu qadan doono £ 60 million heshiis sadex sano ah haddii uu u saxiixo kooxda United oo ku bedeleysa Louis van Gaal.

Iyadoo Pep Guardiola oo u dhaqaaqaya Manchester City, Mourinho uu ka sarami doono.