Marc Andre ter Stegen ayaa Suurta gal ka dhigay in ay dhacaan wax walba haddii uusan isbedel deg deg ah ka helin kooxdiisa Barcelona. In kastoo xaqiiqda ay tahay inuu yahay goolhaye Champions League,
waxa uu donayaa inuu helo booska joogtada ah ee kooxda Barcelona markasta , haddii aysan taas dhicina wuxuu doonaya inuu kala hadlo kooxdiisa mustaqbalka dambe iyo waxa dhici kara.
Waxaan weydiisan doonaa inaan ka tago hadii wax is beddel ah aysan dhicin ayuu yiri,
Waxaan inta badan ka fakirayo ayaa ah mustaqbalkayga qaran, ayuu saxaafadda Jarmalka u sheegay.
“Waxaan doonayaa in aan qaado tallaabada ugu wanaagsan ee aan ciyaaro badan kusoo muuqan karo, sababtoo ah haddii wax isbedel ah aysan sameyn Barcelona ma kasban kartit wax badan.
Ter Stegen ayaa ku daray hadalkiisa: “Marka dhamaadka xilli ciyaareedka aad kasoo muuqato 25 kulan Taasi ma ahayn wax kugu filan,
“si kastaba ha ahaatee, goolhayahan ayaa doonaya inuu mustaqbalkiisa si deg deg ah kala hadlo kooxda Barcelona, isagoo dalabyo waali ah ka helayao kooxaha Liverpool iyo Manchester United.