Midowga Yurub oo sare u qaadaya taageerada dhaqaale ee uu siiyo Soomaaliya

Muqdisho-RisaalaFM- Midowga Yurub oo ka mid ah Hay’adaha taageerada dhaqaale siiya Soomaaliya ayaa sheegay in deeqaha banii’aadnimo ee Soomaaliya uu sanadkan 2018 gaarsiiyay €89.5, kadib markii laga deyriyay xaalada bani’aadanimo ee Soomaaliya.

Qoondada Soomaaliya loo kordhiyay ayaa waxaa kaloo qeyb ka ah dalka Jabuuti, sida ku cad warka ka soo baxay Midowga Yurub.

Deeqdan lacageed ayaa waxa uu ujeedka yahay in wax looga qabto arrimaha Barakacayaasha, Abaaraha, Caafimaadka, Biyo nadiif ah in la helo iyo waxyaabo kale oo la xiriira dadka danta yar.

Wuxuu sheegay Midowga Yurub in €500,000 la siin doono dalka Djibouti si loo taageero qaxootiga halkaas ku nool, kuwaas oo ka soo qaxay dalalka Yemen, Somalia, Ethiopia iyo Eritrea,

Warbixinta Midowga Yurub ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in kordhinta daqliga ay wax badan ka bedeli doonto arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya, oo hada mareysa meel liidata.