Kulan wada xaajood ah ayay maanta yeelanayaan wadamadda Yurub iyo Turkiga
Kulankan ayaa ujeedadiisu waxay tahay sidii wax looga qaban lahaa arimaha qaxootiga Yurub galaya
Wamada Midowga Yurub ayaa doonaya inay Turkiga siiyaan lacago malyuumaad ah
Sidoo kale Turkiga waxuu wataa qorshe uu doonayo inuu kaga mid noqdo golaha Midowga Yurub
Kumanaan qaxooti ah ayaa sii mara dalka Turkiga marka ay doonayaan inay Yurub galaan
Dalka Giriiga waxaa hada ku xayiran kumanaan qaxooti ah oo magangalyo doon ah
Wadamada Yurub waxaa dhib weyn ku haya qaxootiga ka cararaya colaadaha dalalkooda