Arsene Wenger oo ku kacay taageerayaasha Arsenal

Arsene Wenger ayaa uga digay taageerayaasha Arsenal in ay dhaleeceynta tarbuunka sii wadaan taasoo uu sheegay in ay sameyn ku yeelan doonto kalsoonida kooxda.

Tababaraha Faransiiska ayaa arkay Gunners oo sideed dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Leicester, waxaana uu yiri ma awoodi karo wax kasta oo dib u dhac weyn ah inaan kaliya degdeg u xalinaa.

kaliya sagaal kulan oo Premier League ka harsan hadda waxaan qaban karnaa wax badan , marka waa inaan sugnaa waxa soosocda.

Wenger ayaa dhalaceyn weyn kala kulmay  kulankii waqooyiga London derby ee sabtidii,laakiin waxa uu qirtay in horumar iyo jawi wanagsan ciyaartooyda ku ciyaareen.

“Waxaan jeclahay in taageerayaasha markasta muujiyaan farxad, laakiin haddii ay walaac jogta ah sameeyaan waxa uu sheegay in heer kalsooni ee ciyaartoyda ay lumeyso.

Captain Per Mertesacker ayaa dareenkaasi la qaba kabtankiisa, isagoo sheegay in kalsoonida ay tahay waxa ugu fiican ciyaartooyda.