Iyadoo 8-da bishan ay ku beegantahay maalinta caalamiga ah ee haweenka aduunka, waxaana haweenka Soomaliyeed laga daremayaa udiyaar garowka maalinta caalamiga ah ee haweenka aduunka.
Waxaana jirta in Qaramada Midoobay ay sanadkii hore halku dhig uga dhigtay xuska maalinta haweenka ‘’Sinaanta haweenka waa horumarka hadaba sanadkan muxu yahay halk dhiga”
Haweenka Soomaaliyed maxay kaga dhigan tahay 8 bisha Maarso Aamino Caraale oo ka tirsan hay’ada SDLS ayaa sharaxeysa ahmiyada gaarka ah ee ay uleedahay haweenka Soomaaliyeed.
Waxaa inta badan la soo bandhigay waxyaabaha ay tabanayaan haweenka iyo weliba tacadiyada ay la kulmaan amaba lagu hayo haweenka Soomaaliyeed,
Hormar intee la eg ayeey ka gareen dhinacyada siyaada iyo hormarka dalka, Aamine Caraale ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliya sanadkan ay samen karaan hormar badan laakiin ay tilmaantay in kaalintii dowladda ay maqantahay.
Soomaaliya ayaa kaalmaha hore waxa ay ka gashay warbixin la soo saaray sanadkan horaantiisa oo lagu sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay wadamada ugu liita ay haweenka ku noolaan karaan iyo xaaladooda bani’aadanimo iyo dowrka ay ku dhax leeyihiin dhinacyada siyaasada iyo abood qeybsiga dalka.
Caasha Cabdulle siyaad oo ah gudoomiyaha ururka hiigsiga iyo siyaasada ee haweenka Soomaaliya ayaa qabta in sanadkan rajo wanasgan ay leeyihiin haweenka Soomaaliya in ay ka dhax muuqdaan siyaasada dalka.
Haweenka ayaa door muhiim ah ka qaadanaya dhinaca siyaasada iyo abood qeybsiga dalka ayaa hada wajihi doona doorashooyin iyadoo haweenka loo qorsheeyay 30% ma tahay tiiro ku filan haweenka.
Haweenka Soomaaliya ayaa hada u diyaar garoobay xuska maalinta caalamiga ah ee 8 Maarso inkastoo inta badan marka ay hadallo jeedinayaan haweenka Soomaaliyeed ayaa waxa ay dhaliilan sida looga qeyb-galiyo xukunka iyo Siyaasadda dalka.
W/D: Maxamed Abuukar Dabaashe


