Midowga Yurub ayaa waxa uu ka hadlay sababta ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM 20% looga jaray dhaqaalihii Midowga Yurub uu ku taageeri jiray ciidanka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Danjiraha Ururka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya, Michele Chevvone ayaa sheegay ka hor inta aysan jaran Qarashkaasi inay ku wargeliyeen Madaxda Ururka Midowga Afrika.
Waxa uu sheegay Michele Chevvone in sanad waliba Howlgalka AMISOM ay ku taageeri jireen 200 million oo Dollar, laakiin 20%, wixii ka dambeeyay Bishii Janaayo ee sanadkaan la dhimay.
Michele Chevvone, waxa uu ka digay Qarashka ay ka dhimeen howlgalka AMISOM inaan loo fasiran karin arin curyaaminaysa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, balse Midowga Yurub qarashkaasi uu ku taageeraayo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah.
Michele Chevvone isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu carrabka ku dhuftay in dalka Soomaaliya u baahan yahay in la dhiso Ciiddanka Qaranka si ay u gutaan waajibaadkooda.


